Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidamada amniga oo Khaarijiyay horjooge ka tirsan Khawaarijta
    April 19, 2026
    Wasiirka Cadaalladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shir muhiim ah
    April 19, 2026
    Shirweynihii Baarlamaannada Adduunka oo lagu soo gebo-gebeeyay Turkiga
    April 19, 2026
    Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo billaabay aqoon-isweydaarsi soconaya muddo toddobaad ah
    April 19, 2026
    Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay 
    April 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Madax Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Ka Qeyb Gashay Xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka Oo Lagu Qabtay Masraxa Xarunta Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Ciyaaraha > Madax Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Ka Qeyb Gashay Xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka Oo Lagu Qabtay Masraxa Xarunta Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”
CiyaarahaWararka

Madax Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Ka Qeyb Gashay Xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka Oo Lagu Qabtay Masraxa Xarunta Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”

By Aadan Sooyaal
Last updated: August 12, 2020
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – Munaasabad lagu weynaynayay maalinta caalamiga ah ee dhallinyarada adduunka oo ku began 12 ka August ayaa caawa lagu qabtay Masraxa xarunta Wasaaradda Warfaafinta, kaasi oo ay ka soo qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka, Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka sare, Maamulka Gobolka Banaadir, diblomaasiyiin, Ururrada dhallinyarada Gobolka Banaadir, Bahda isboortiga iyo marti sharaf kale.

Xafladda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayna ka qeyb galeen fanaaniinta Hobollada Qaranka ee Waaberi ayaa ka qeyb galayaasha waxa ay ka sheekeen doorka dhallinyarada dalka looga baahanyahay ka qeyb qaadashada horumarka dalka.

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan oo isna goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Dhallinyarada xiriirka joogtada ah ee ay la leedahay dhallinta Gobolka, waxaana uu intaa ku daray in dhallinyarada ay door fiican ku leeyihiin saaxadda siyaasadda dalka, loona baahanyahay inay ka qeyb qaataan.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa sheegtay in maanta ay tahay maalinta dhallinyarada adduunka, Soomaaliyana ay gaar u tahay 15-ka May maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo dhallinyarada ku boorisay inay noqdaan dhallinyaro isku duuban oo ka shaqeeya horumarintiisa.

Xildhibaan Cabdifataax Qaasim oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dhallinta uga digay in si qaldan looga faa’iideysto oo ay horseedka noqdaan bur burinta dalkooda, isagoo ku booriyay dhallinyarada inay door weyn ka qaataan dib u dhiska iyo horumarka dalka, ayna ka faa’iideystaan fursadda ay heystaan xilligan.

Xildhibaan Ikraan Yuusuf Xirsi oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegtay in Xildhibaannada Goluhu ay diyaariyeen sharcigii doorashooyinka, Madaxweynuhuna uu saxiixay, loona baahanyahay in dhallinyarada ay door muuqda ka qaataan hannaanka doorashada, ayna ka muuqdaan Baarlamaanka 11aad ee dalka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabir” ayaa hambalyo u diray dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana uu kula dar daaarmay inay xoogga saaraan waxbarashada oo ay noqdaan dad aqoon leh, muujiyaana doorka hogaamineed ee looga baahanyahay xilligan.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ugu horeyn hambalyo u dirtay dhallinyarada Soomaaliyeed munaasabadda maalinta dhallinyarada Adduunka awgeed ayaa tilmaamtay in salaam ay uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Siihayaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka mudnae Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ku saabsan xuska Maalinta dhallinyarada caalamka.

Wasiir Khadiijo ayaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye u wakiilatay in uu sahaado sharaf guddoonsiiyo Xaliimo Axmed Yuusuf oo ah Agaasimaha Idaacadda Codka Wadnaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa tilmaamay in dhallinyaradu ay yihiin indhihii bulshada, isagoo ku booriyay inay ka hortagaan cidkasta oo wax u dhimeysa horumarka dalkooda, ayna ku cad goostaan caqligooda iyo cuddudooda oo ay noqdaan hogaamiyeyaasha dalka.

Duqa Muqdisho mar uu ka hadlayay doorashada dadban ayaa sheegay in dhallinyaradu ay marti ka noqon doonaan hogaaminta dalka, loona baahanyahay inay taageeraan in dalkan ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay dhallinyarada u tahay fursad soo marta.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeya oo soo xiray xafladda ayaa Hambalyo u diray dhallinyarada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan xuska munaasabadda 12-ka August, waxaana uu Wasiir Khadiija ku amaanay horumarka ay ku talaabsatay Wasaaradda dhallinyarada iyo sida ay ugu hogaamisay inay xaliso bahda cayaaraha iyo ururrada dhallinyarada.

Wasiir Maareeye ayaa tibaaxay in dhallinyarada Soomaaliyeed looga baahanyahay inay u dhaqmaan, una fekeraan dhallinyarada caalamka, isagoo dhallinyarada ku booriyay inay ku soo bandhigaan daraasado cilmiyeysan muuqaal baahiyaha Warbaahinta Qaranka.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa dhallinyarada u sheegay inay ka faa’iideystaan fursadaha ay heystaan, ayna muujiyaan kaalinta looga baahanyahay horumarinta bilicda dalkooda.

“Hambalyo ayaan leeyahay kooxda MCC oo ku guuleysatay horyaalka dalka, Hambalyo ayaan leeyahay Wasiirka Khadiija, guuleysta,  waxaan rajeynayaa in hadaladii caawa halkan laga soo jeediyay ay dhallinyarada wax badan ka qaataan oo ay muujiyaan doorkooda hogaamineed” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Wasiir Maareeye.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidamada amniga oo Khaarijiyay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka duulaya xogo sirdoon ayaa hawlgal…

April 19, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

SODMA oo digniin ka soo saartay khatarta Roobabka iyo Duufaanta El-nino

Muqdisho(SONNA):-Roobab mahiigaan ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ka da'aan dalkeenna si gaar ah goobaha laga cabsi qabo waxaa…

GudahaWararka
September 30, 2023

Ciidanka Amniga oo gacanta ku dhigay laba eedeysane iyo qalab kale oo ciidan

Muqdisho.SONNA...Ciidamada  Amniga oo maalmahaan howlgallo nabad sugid ah ka wada Magaalada Muqdisho, ayaa gacanta ku dhigeen nuucyo ka mid ah…

Gudaha
May 26, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Baydhabo.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo…

GudahaWararka
March 15, 2023

Wasiirka Maaliyadda XFS oo rasmi ah u daah-furay Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Miisaaniyadda Dowladda ee…

GudahaWararka
January 19, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023