Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad oo Muqdisho ka furay xuska maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka
    December 10, 2025
    Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq oo Baqdaad uga qayb galay shir muhiim ah
    December 10, 2025
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo la kulantay danjiraha Maraykanka
    December 10, 2025
    Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmada Cabdicasiis oo ay ka socota qaadashada kaarka codbixinta
    December 10, 2025
    Wasiirro kormeeray degmada Boondheere oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta
    December 10, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madax Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Ka Qeyb Gashay Xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka Oo Lagu Qabtay Masraxa Xarunta Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Ciyaaraha > Madax Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Ka Qeyb Gashay Xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka Oo Lagu Qabtay Masraxa Xarunta Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”
CiyaarahaWararka

Madax Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Ka Qeyb Gashay Xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka Oo Lagu Qabtay Masraxa Xarunta Wasaaradda Warfaafinta “SAWIRRO”

By Aadan Sooyaal
Last updated: August 12, 2020
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – Munaasabad lagu weynaynayay maalinta caalamiga ah ee dhallinyarada adduunka oo ku began 12 ka August ayaa caawa lagu qabtay Masraxa xarunta Wasaaradda Warfaafinta, kaasi oo ay ka soo qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka, Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka sare, Maamulka Gobolka Banaadir, diblomaasiyiin, Ururrada dhallinyarada Gobolka Banaadir, Bahda isboortiga iyo marti sharaf kale.

Xafladda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayna ka qeyb galeen fanaaniinta Hobollada Qaranka ee Waaberi ayaa ka qeyb galayaasha waxa ay ka sheekeen doorka dhallinyarada dalka looga baahanyahay ka qeyb qaadashada horumarka dalka.

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan oo isna goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Dhallinyarada xiriirka joogtada ah ee ay la leedahay dhallinta Gobolka, waxaana uu intaa ku daray in dhallinyarada ay door fiican ku leeyihiin saaxadda siyaasadda dalka, loona baahanyahay inay ka qeyb qaataan.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa sheegtay in maanta ay tahay maalinta dhallinyarada adduunka, Soomaaliyana ay gaar u tahay 15-ka May maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo dhallinyarada ku boorisay inay noqdaan dhallinyaro isku duuban oo ka shaqeeya horumarintiisa.

Xildhibaan Cabdifataax Qaasim oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dhallinta uga digay in si qaldan looga faa’iideysto oo ay horseedka noqdaan bur burinta dalkooda, isagoo ku booriyay dhallinyarada inay door weyn ka qaataan dib u dhiska iyo horumarka dalka, ayna ka faa’iideystaan fursadda ay heystaan xilligan.

Xildhibaan Ikraan Yuusuf Xirsi oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegtay in Xildhibaannada Goluhu ay diyaariyeen sharcigii doorashooyinka, Madaxweynuhuna uu saxiixay, loona baahanyahay in dhallinyarada ay door muuqda ka qaataan hannaanka doorashada, ayna ka muuqdaan Baarlamaanka 11aad ee dalka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabir” ayaa hambalyo u diray dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana uu kula dar daaarmay inay xoogga saaraan waxbarashada oo ay noqdaan dad aqoon leh, muujiyaana doorka hogaamineed ee looga baahanyahay xilligan.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ugu horeyn hambalyo u dirtay dhallinyarada Soomaaliyeed munaasabadda maalinta dhallinyarada Adduunka awgeed ayaa tilmaamtay in salaam ay uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Siihayaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka mudnae Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ku saabsan xuska Maalinta dhallinyarada caalamka.

Wasiir Khadiijo ayaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye u wakiilatay in uu sahaado sharaf guddoonsiiyo Xaliimo Axmed Yuusuf oo ah Agaasimaha Idaacadda Codka Wadnaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa tilmaamay in dhallinyaradu ay yihiin indhihii bulshada, isagoo ku booriyay inay ka hortagaan cidkasta oo wax u dhimeysa horumarka dalkooda, ayna ku cad goostaan caqligooda iyo cuddudooda oo ay noqdaan hogaamiyeyaasha dalka.

Duqa Muqdisho mar uu ka hadlayay doorashada dadban ayaa sheegay in dhallinyaradu ay marti ka noqon doonaan hogaaminta dalka, loona baahanyahay inay taageeraan in dalkan ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay dhallinyarada u tahay fursad soo marta.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeya oo soo xiray xafladda ayaa Hambalyo u diray dhallinyarada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan xuska munaasabadda 12-ka August, waxaana uu Wasiir Khadiija ku amaanay horumarka ay ku talaabsatay Wasaaradda dhallinyarada iyo sida ay ugu hogaamisay inay xaliso bahda cayaaraha iyo ururrada dhallinyarada.

Wasiir Maareeye ayaa tibaaxay in dhallinyarada Soomaaliyeed looga baahanyahay inay u dhaqmaan, una fekeraan dhallinyarada caalamka, isagoo dhallinyarada ku booriyay inay ku soo bandhigaan daraasado cilmiyeysan muuqaal baahiyaha Warbaahinta Qaranka.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa dhallinyarada u sheegay inay ka faa’iideystaan fursadaha ay heystaan, ayna muujiyaan kaalinta looga baahanyahay horumarinta bilicda dalkooda.

“Hambalyo ayaan leeyahay kooxda MCC oo ku guuleysatay horyaalka dalka, Hambalyo ayaan leeyahay Wasiirka Khadiija, guuleysta,  waxaan rajeynayaa in hadaladii caawa halkan laga soo jeediyay ay dhallinyarada wax badan ka qaataan oo ay muujiyaan doorkooda hogaamineed” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Wasiir Maareeye.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad oo Muqdisho ka furay xuska maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi…

December 10, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in abaarta ka jirta gobolka Awdal ay saameeysay in ka badan 600,000 qof

Baydhabo-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in xaaladda bani’aadannimo ee dalka, isaga oo xusay abaaraha…

GudahaWararka
August 6, 2025

Dowladda Soomaaliya oo Midowga Yurub kala wareegtay gaadiid iyo agab ciidan

Muqdisho (SONNA): Munaasabadda wareejinta gaadiidka, agabka ciidamada iyo tas-hiilaadka caafimaadka oo lagu qabtay dugsiga tababarka ciidamada ee Dhego badan ayaa…

GudahaWararka
November 5, 2024

Madaxweynaha Shiinaha oo dalkiisa ku soo dhoweeyay dhiggiisa Dalka Ruushka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqasho laba maalmood ah ku tagay dalka Shiinaha, iyadoo labada dal ay doonayaan inay sii…

Caalamka
May 16, 2024

Hay’adda SoDMA oo gargaar mucaawino ah kala wareegtay Hay’adda Bisha Cas Turkiga

Muqdisho (SONNA):- Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa markii labaad waxa ay shixnad gargaar mucaawino ah kala wareegtay…

GudahaWararka
December 20, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023