Wararka
๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ก๐ข๐ข๐ง๐๐ก๐ ๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ oo ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ฌ๐๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐๐ฒ ๐ก๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐ญ๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐ข ๐๐ก
๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ก๐ข๐ข๐ง๐๐ก๐ ๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐๐ฒ๐๐ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ฌ๐๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐๐ฒ ๐ก๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐ญ๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐ข ๐๐ก ๐จ๐จ ๐ฎ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ๐ ๐ค๐๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ช๐ ๐๐ก๐ข๐ข๐ง๐๐ก๐, ๐ข๐ฌ๐๐ ๐จ๐จ ๐๐๐ง๐ฌ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ-๐๐ก๐๐๐ ๐๐ก.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, iyo Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo u oggolaanaya badeecadaha kalluumeysiga Soomaaliyeed in loo dhoofiyo suuqyada Shiinaha iyagoo ka faaโiideysanaya canshuur-dhaaf buuxa.
Heshiiskan ayaa ah mid taariikhi u ah horumarinta waaxda kalluumeysiga Soomaaliya, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee badeecadaha kalluunka Soomaaliyeed ay si rasmi ah ugu helaan suuqa Shiinaha fursad canshuur-dhaaf ah, taas oo sare u qaadeysa tartanka iyo fursadaha dhoofinta ee kalluumeysatada iyo ganacsatada Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa sheegay in heshiiskani uu yahay guul weyn oo u soo hoyatay Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysatada, ganacsatada iyo dhammaan daneeyayaasha waaxda kalluumeysiga. Wasiirku wuxuu xusay in heshiisku uu xoojinayo xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isla markaana uu furayo bog cusub oo iskaashi iyo maalgashi oo faaโiido u leh labada dal.
Dhankiisa, Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Wang Yu, ayaa tilmaamay in heshiiskani uu fududeyn doono ganacsiga labada dal, isla markaana uu kor u qaadi doono is-weydaarsiga ganacsiga iyo horumarinta iskaashiga dhaqaale. Wuxuu sidoo kale sheegay in heshiisku uu faaโiido muuqata u yeelan doono shacabka Soomaaliya iyo Shiinaha.
Heshiiskaan ayaa lagu daabacay Bogga Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, ayay waxay heshiiskan u aragtaa tallaabo istiraatiiji ah oo lagu kobcinayo dhoofinta badeecadaha Soomaaliyeed, lagu xoojinayo dhaqaalaha buluugga, laguna abuurayo fursado cusub oo shaqo iyo horumar dhaqaale oo waara.
