Gudaha
TALIYAHA CIIDANKA XDS OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA SUBAXLAHA EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka subaxlaha ee Taliska Guud ee Ciidanka XDS, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira dardargelinta howlgalada, horumarinta iyo dib-u-habeynta Ciidanka XDS iyo u diyaargarowga la wareegidda masuuliyadda amniga qaranka ee lagala wareegayo Ciidamada Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud ahaan dalka, u diyaargarowga munaasabadaha maalmaha xorriyadda, xoojinta iyo dardargelinta howlgalada socda, iyo kor u qaadista heerka diyaar-garowga Ciidanka XDS si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.
Intii uu socday kulanka saraakiisha kala duwan ayaa warbixino ka bixiyay howlaha socda iyo qorshayaasha lagu horumarinayo awoodaha iyo waxqabadka Ciidanka XDS, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda iskaashiga, wada-shaqeynta iyo isku-duwidda dadaallada lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda Muqdisho, iyadoo ay si dhow uga wada shaqeynayaan dhammaan hay’adaha amniga ee dalka.


La wadaag


