calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Sawirro

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo xarigga kajaray xarunta wasaaradda Qorsheynta XFS oo dib loo dhisay+Sawirro

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo xarigga kajaray xarunta wasaaradda Qorsheynta XFS oo dib loo dhisay+Sawirro
R/wasaare ku-xigeenka dalka oo xarigga kajaray xarunta wasaaradda Qorsheynta XFS oo dib loo dhisay+Sawirro — SONNA

Muqdisho(SONNA) Mashaariic dib u dhis ah oo laga hirgeliyay wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa qeyb ka ah mashaariic horumarineed oo dowladda Qatar ay ka fulisay dalka. Munaasabad xariga looga jarayay furitaanka dhismaha cusub ee Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka qeybgalay r/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Qatar),wasiirka wasaaradaasu Jamaal Maxamed Xasan, Danjiraha dowladda Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza iyo mas'uuliyiinta Hay'adda Qatar Charity ee Soomaaliya. Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Hamaal Macamed Xasan ayaa ku amaanay dowladda Qatar dowrkeedi ku aadan hirgelinta mashruucan oo lagu dhisay zarunta wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya. Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza ayaa muujiyay sida dowladda Qatar ay uga go'tahay xoojinta mashaariicda horumarineed oo ay ka fulinayaan Soomaaliya,kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin adeegyada ay u baahan yihiin bulshada iyo dhismaha xarumaha danta guud Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qatar) ra'iisul wasaare kuxigeenka dalka oo si rasmi ah xarigga uga jaray furitaanka dhismahan cusub ayaa ammaanay dadaalada ku aadan dib u dhiska dalka,isagoo bogaadiyay kaalinta dowladda Qatar ay ka qaadanayso taageerada Soomaaliya.
La wadaag