calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda gaaray magaalada Jowhar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda gaaray magaalada Jowhar
Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda gaaray magaalada Jowhar — SONNA
Jowhar-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda maamul goboleedka Hirshabeelle. Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hirshabeelle. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu halkaasi joogo waxa uu xarig jari doonaa xarunta cusub ee madaxtooyada Hirshabeelle, Xarunta Baarlamaanka, Wasaarado iyo goobo kale. Madaxweynaha ayaa sidoo kale inta uu halkaasi ku sugan yahay wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda u sarrayso maamulka Hirshabeelle, saraakiisha ciidamada, duubabka dhaqanka iyo waxgaradka magaalada magaalada Jowhar.  
La wadaag