Wararka
Wasiirka Warfaafinta oo dalka Masar kula kulmay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta

Qaahira-(SONNA)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamud oo uu weheliyo Safiirka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa kulan la qaatay xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Nabiil Al-fahmi
Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska.
Sidoo kale kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii loo horumarin lahaa iskaashiga labada dhinac korna loogu qaadi lahaa is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta, loona xoojin lahaa doorka warbaahinta ee kobcinta iyo ilaalinta dhaqanka Ummadda Carbeed.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukumadda federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka iskaashi ay Soomaaliya la leedahay hay’adaha iyo ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah waxaana ay Safaaradda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee Qaahira sii wadi doonta dadaallada lagu fududeynayo hirgelinta iyo ka miro-dhalinta qodobada laga wada hadlay.



