calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Ciyaaraha

Horyaalka Somali Premier League 2019-20 oo maanta ka furmi doona Magaalada Muqdisho… (Afar Kooxood oo ciyaaraya)

Horyaalka Somali Premier League 2019-20 oo maanta ka furmi doona Magaalada Muqdisho… (Afar Kooxood oo ciyaaraya)
Horyaalka Somali Premier League 2019-20 oo maanta ka furmi doona Magaalada Muqdisho… (Afar Kooxood oo ciyaaraya) — SONNA

Muqdisho(SONNA)- Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka furmi doona horyaalka Somali Premier League xilli ciyaareedkiisa 2019-20.

Caadiyan horyaalka Somali Premier League waxaa ka qeyb qaata 10-kooxood oo kala duwan kuwaasoo awood kala duwan leh.

Koobka Horyaalka Somali Premier League waxaa difaacanaysa kooxda kubadda cagta Dekedda FC oo sanadkii la soo dhaafay ku guuleysatay koobkan.

Dhammaan Kooxaha qeybta ka ah horyaalka Somali Premier ayaa waxay diyaar garow xogogan u soo galeen inay sanadkaan bandhig cajiib ah soo bandhigaan, halka kooxo kale ay saxiixyo kala duwan sameeyeen.

Waxaa galabta horyaalka lagu furi doona Kooxaha Dekedda FC iyo Midnimo kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan kaas oo ka dhici doona garoonka Eng Yariiso Stadium.

Kulankii ugu dambeeyay ay labadan kooxood isku arkaan horyaalkii la soo dhaafay waxaa 1-0 ku adkaatay naadiga Dekedda FC.

La wadaag