Gudaha
Wasiirka warfaafinta oo bulshada la wadaagay hambalyada sanadka cusub ee Hijriga
Dowladda Soomaaliya waxay bilowga sanadka Hijriga ah fasaxday shaqaalaha, si loo muujiyo ahmiyadiisa
Muqdisho (SONNA): Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Sannadka Cusub ee Hijriga 1448 u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan.
Wasiirka ayaa Alle uga baryay shacabka Soomaaliyeed in sannadkan cusub uu u noqdo mid ay ku naaloodaan nabad, xasillooni, midnimo iyo horumar, isla markaana uu dalka Soomaaliya u horseedo barwaaqo iyo guulo waara.
La wadaag



