Wararka
Wasiirka arrimaha dibadda oo saxiixay Buugga tacsida Amiir Xamad Bin Khaliifa
Amiir Xamad Bin Khaliifa waa Aabaha Amiirka xilligan ee Qatar iyo amiir hore oo Qatar soo hoggaamiyey

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa booqasho tacsi ah ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee Muqdisho, halkaas oo uu ku saxiixay buugga tacsida islamarkaana gaarsiiyay dhambaal tacsi tiiraanyo leh uu ka siday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, taas oo ku aadan geerida ku timid Aabbaha dhalay Amiirka Dalka Qadar ahaana Amiirkii hore Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani.
Wasiirka waxaa soo dhaweeyay Safiir ku xigeenka Dowladda Qadar u fadhiya Muqdisho, Dr. Cabdullaahi bin Saalem Al Nuceymi.
Wasiirku wuxuu tacsi u diray Amiirka Dowladda Qadar, Sheekh Tamiim bin Hamad Al Thani, qoyska boqortooyada, dowladda, iyo shacabka walaalaha ah ee Qadar.





