Wararka
Wasiirka Warfaafinta oo saxiixay Buugga tacsida Amiirkii hore ee Qatar
Wasiirka ayaa qayb ka ah madax badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo Buugga tacsida saxiixay

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta saxiixay buugga tacsida ee Safaaradda Dowladda Qatar ay ka furtay Muqdisho, isagoo uga tacsiyeeyay geerida Amiirkii Hore ee Dowladda Qatar, Sheekh Xamad Bin Khaliifa Al Thaani.
Wasiirka ayaa uga tacsiyeeyay Amiirka Dowladda Qatar, qoyska boqortooyada, shacabka Qatar, Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya iyo dhammaan ergada Safaaradda, isagoo Alle uga baryay marxuumka in uu naxariistiisa jano ka waraabiyo.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa Safaaradda ku wargeliyay in Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo fulinaysa amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ay wax ka beddeshay jadwalka Warbaahinta Qaranka si loogu asteeyo baroor-diiq iyo duco loo sameynayo Amiirkii hore ee Dowladda Qatar






