Wararka
Wasiirka Warfaafinta oo guddoomiyey kulanka xafiisyada warfaafinta ee hay’adaha dowladda
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray mideynta fariimaha dowladda ee bulshada ku wajahan

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka billaha ah ee Xafiisyada Warfaafinta ee Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa lagu falanqeeyay xoojinta mideynta fariimaha dowladda, horumarinta xiriirka warbaahinta iyo dardargelinta howlaha wacyigelinta bulshada.
Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray u diyaar-garowga iyo baahinta ololayaasha wacyigelinta ee la xiriira Maalmaha Xorriyadda Soomaaliyeed, iyadoo la isla qaatay muhiimadda ay leedahay in dhammaan hay’adaha dowladda ay si mideysan bulshada ugu gudbiyaan farriimaha ku saabsan qiimaha xorriyadda, waddaniyadda, midnimada iyo taariikhda halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed.
Afhayeenka Xukuumadda ahna Agaaismaha Warfaafinta Xafiiska Ra'isulwasaaraha Dalka , Mudane Cabdinaasir Axmed Bashiir, ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimadda kulankan iyo doorka uu ku leeyahay xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda xafiisyada warfaafinta ee hay’adaha dowladda, si loo xaqiijiyo farriimo dowladeed oo mideysan, hufan, isla markaana si wax ku ool ah u gaara shacabka Soomaaliyeed.
Ka qeybgalayaasha kulanka ayaa soo bandhigay aragtiyo iyo talooyin ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa mideynta fariimaha dowladda, iskaashiga dhinaca warfaafinta, wadaagga xogta iyo kor u qaadista tayada wacyigelinta bulshada, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay ku wada shaqeeyaan hal jihayn warfaafineed oo qaran.
Gabagabadii kulanka, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa ku boorriyey hay’adaha dowladda inay laba jibbaaraan dadaallada lagu xoojinayo wacyigelinta bulshada, kor u qaadista waddaniyadda, adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo xuska Maalmaha Xorriyadda ee dalka.
Wasiirka ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta, kobcinta iyo adeegsiga Afka Hooyo, iyo xushmeynta astaamaha Qaranka, si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in afka, dhaqanka iyo astaamaha qaranku yihiin saldhigyada lagu ilaaliyo aqoonsiga iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u midoobaan difaaca qaddiyadaha qaranka, ilaalinta wadajirka ummadda iyo ka hortagga cid kasta oo isku dayda inay dhaawacdo midnimada, wada noolaanshaha iyo danaha guud ee qaranka Soomaaliyeed.










