Gudaha
Wasiirka Warfaafinta iyo mas'uuliyiin kale oo booqday goob dalxiis oo ku taalla degmada Kaxda

Muqdisho(SONNA);'Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Amniga Gudaha XFS Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaranka ee La-dagaallanka Argagixisada Cali Yaasiin Gurbe, Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir Liibaan Cabdiraxmaan, Agaasimaha Hab-maamuuska Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha iyo mas'uuliyiin kale ayaa maanta booqday goob dalxiis oo ku taalla duleedka degmada Kaxda.<
Wasiirka Cabdulfataax iyo Mas'uuliyiintaan ayaa bogaadiyay horumarka dalxiiska gudaha. Waxay sidoo kale xuseen in goobahan ay ka tarjumayaan nabadda, xasilloonida iyo horumarka ka jira caasimadda Muqdisho, isla markaana ay muujinayaan guulaha la taaban karo ee laga gaaray sugidda amniga caasimadda, ku habboonaanta dalxiiska iyo dib u soo nooleynta nolosha bulshada.






