Gudaha
Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta shir-guddoomisay kulankii ugu horeeyay ee Guddiga hagista Barnaamijka Haweenka, Nabadda iyo ilaalinta wejigiisa labaad ( Women Peace and protection Joint programme -Phase II).
Kulankan oo ay ka qeyb galeen wakiillo ka socda hay'adaha UNDP, UNTMIS, Wasaaradaha dowlad Goboleedyada, deeq bixiyeyaasha iyo xubno metelayey ururrada Bulshada Rayidka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta hoggaaminta, isla-xisaabtanka iyo isku-duwidda habsami u socodka hirgelinta Barnaamijka WPP-II kaas oo bartilmaameedsanaya 6000 ( Lix kun oo qof) oo 60% ay yihiin Haween iyo gabdho, 40% ay yihiin ragg iyo wiilal.
Barnaamijkan oo socon doona 24 bilood waxaa laga hirgelin doonaa gobolka Banaadir, dowlad goboleedyada:- Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Puntland, Galmudug iyo Waqooyi Bari Soomaaliya.







