Wararka
Wasiirka Isgaarsiinta oo shir caalami ah uga qaybgalay Switzerland
Wasiirka ayaa soo bandhigay horumarka Soomaaliya ka gaartay dhismaha kaabeyaasha dhijitaalka ee dowladda.

Geneva (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee XFS, Mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa hadal ka jeediyey doodda Shir Madaxeedka Caalamiga ah ee Bulshada Macluumaadka, halkaas oo ay aragtiyadooda ku wadaagaan madaxda iyo masuuliyiinta sare ee ka qeyb galaya shirkan.
Wasiirka ayaa soo bandhigay horumarka Soomaaliya ka gaartay dhismaha kaabeyaasha dhijitaalka ee dowladda, isagoo xusay in la qabtay Shirweynihii ugu horreeyey ee Qaran ee arrintan looga arrinsado, isla markaana la diyaariyey Qorshaha Qaran ee Kaabeyaasha Dhijitaalka, kaas oo hagaya hirgelinta adeegyo dowladeed oo isku xiran, sugan, laguna kalsoonaan karo.
Wasiirka isgaarsiinta dalka ayaa sheegay in dhismaha dowlad casri ah uu ku saleysan yahay nidaamyo dhijitaal ah oo amni leh, adkeysi leh, isla markaana ay dadweynuhu ku kalsoon yihiin. Sidoo kale, wuxuu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso maalgashiga tiknoolajiyadda iyo horumarinta adeegyada dijitaalka si loo daboolo baahiyaha shacabka.
Ka qeybgalka shirkan ayaa muujineysa dadaallada Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ay ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah, isla markaana ay ku soo bandhigayso qorshayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee horumarinta adeegyada dhijitaalka iyo dhismaha dowlad casri ah oo ku dhisan tiknoolajiyad.






