Gudaha
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ช๐๐๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ ๐๐๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฆ๐ฆ๐๐๐ง

Muqdisho,(SONNA):- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay safiirka cusub ee Dowladda Cummaan u fadhiya Soomaaliya, Mudane Saalim bin Xabiib Al-Cumeyri, waxana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo isku-xirka gaadiidka.
Kulanka ayaa xoogga loogu saaray muhiimadda ay leeyihiin marin-biyoodka, fududeynta isu-socodka gaadiidka, badeecadaha, iyo xoojinta isku-xirka dekedaha iyo ganacsiga, si loo abuuro fursado dhaqaale oo labada dal dan u ah.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ay la leedahay Dowladda Cummaan.
Dhankiisa, Danjire Saalim bin Xabiib Al-Cumeyri, ayaa uga mahadceliyey Raโiisul Wasaaraha soo dhaweyn diirran, isaga oo adkeeyey ahmiyadda xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada dal.







