calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeer ugu tegay Cutubyo ka tirsan CXDS

Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadista howlgalada dalka looga ciribtirayo Argagixisada, ilaa laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan.

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeer ugu tegay Cutubyo ka tirsan CXDS
Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeer ugu tegay Cutubyo ka tirsan CXDS — SONNA

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan deegaannada Xaaji Cali iyo Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka gaareen furimaha dagaalka ay caddeyn u yihiin in argagixisada Al-Shabaab ay lumisay awooddii ay shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateyn jirtay.

Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadista howlgalada dalka looga ciribtirayo argagixisada, ilaa laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan.

Wuxuu sidoo kale ciidamada ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda iyo geesinimadooda, isagoo caddeeyay in ay ku jiraan jihaad xaq ah oo ay ku difaacayaan Diinta, dalka iyo dadka.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada ku ammaanay doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan howlgalada socda, isagoo faray inay sii xoojiyaan feejignaanta, wadajirka iyo adkeysiga si loo gaaro guulo isdaba joog ah.

Taliyaha ayaa xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay sii wadaan howlgalada ilaa laga ciribtiro argagixisada Al-Shabaab, lana xaqiijiyo amniga guud ee dalka.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku dardargelinayaan howlgalada lagu ciribtirayo argagixisada Al-Shabaab, isla markaana lagu xoojinayo niyadda iyo diyaar-garowga ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

La wadaag