Gudaha
Wasiirka Difaaca XFS oo shacabka Ceeldheer ku dhiirigeliyay in ay ka qeyb qaataan isdiiwaangelinta doorashada

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta booqday xarunta maamulka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Mas’uuliyiinta ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee degmada, iyagoo u kuurgalay xaaladda amniga, dib-u-soo kabashada adeegyada bulshada iyo dadaallada dib-u-dhiska ee ka socda degmada.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyay shacabka degmada Ceeldheer inay si firfircoon uga qeyb qaataan isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay codkooda ugu doortaan hoggaankooda, una xoojiyaan ka qaybqaadashadooda geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.














