Wararka
Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo soo bandhigtay Baasaboorka cusub ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) waxa ay bulshada la wadaagaysaa muqaalka cusub ee Baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka kooban saddex nooc: Baasaboorka Caadiga ah (Ordinary Passport), Baasaboorka Shaqada (Service Passport) iyo Baasaboorka Diblomaasiga ah (Diplomatic Passport).
Muuqaalka cusub ee Baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu astaan u yahay aqoonsigeenna qarannimo, haybteenna Soomaaliyeed iyo matalaadda dalkeenna ee caalamka.
La wadaag


