Wararka
Wasiir Fiqi oo si adag uga jawaabay warbixintii ay kooxda ICG kasoo saartay dagaalka Soo

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo kula hadlayay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed jiidda hore ee Deegaanka Xaaji Cali ee Gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa si adag uga jawaabay warbixintii marin-habaabinta ahayd ee ay ka soo saartay Kooxda International Crisis Group dagaalka Soomaaliya ay kula jirto argagixisada Al-Shabaab, taas oo lagu marin-habaabiyay dhabta xaqiiqda dagaalka lagula jiro Khawaarijta.
Wasiirka ayaa sheegay in culeyska iyo jabkii Ciidanka Xoogga Dalka, oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed, ay gaarsiiyeen kooxdaas ay keeneen in ay daciifto awooddii Khawaarijta Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa sheegay in warbixinta ay dhawaan soo saareen ay ahayd mid aad u qaldan gef ku ah ciidankeenna, shacabkeenna, shuhaddadii nooga jihaaday dagaalkooda, kuwii ay hantidooda iyo naftooda bannaysteen.
Wuxuu sheegay wasiirku in khawaarijtu aysan ahayn kuwo naxariis leh balse dadka ay ka dhigeen waxay dilaan iyo waxay dhacaan, waxaana xogahaasi u gudbiyay dad xun oo aan dalkeenna horumarkiisa jeclayn, isla markaana aan la aqbali Karin in burush wasaqaysan la mariyo halgankeenna.


