Wararka
Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeysay geerida Abwaan Tarabi
Abwaan Aaden Tarabi waxa uu ahaa Hal-abuure kayd weyn oo suugaaneed ummadda Soomaaliyeed uga tagay

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Maareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo dhammaan hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Abwaan Aadan Tarabi Jaamac oo ahaa Abwaan Qaran.
Abwaan Aadan Tarabi oo berisamaadkii ka tirsanaa Abwaanada iyo Hobollada Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi ayaa ahaa hal-abuur caan ah, xikmad badan oo afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed wax weyn ku soo kordhiyay. Marxuumka ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, ayaa Alle SWT uga baryay Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, qoyskii, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo iimaan.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.



