Gudaha
Wafdi ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka FS oo ka qeyb galaya Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika
Shirkan oo halku dhiggiisu ahaa “Aragtida Mustaqbalka ee xiriirka Aasiya iyo Afrika” ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada qaaradood, kaalinta Baarlamaannada ee horumarinta nabadda, amniga, dhaqaalaha, horumarka waara, iyo dejinta aragti wadajir ah oo hagta xiriirka Aasiya iyo Afrika mustaqbalka.

Wafdi ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb galay Shirweynaha 2-aad ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika oo ka dhacay magaalada Benghazi ee dalka Libya.
Shirkan oo halku dhiggiisu ahaa “Aragtida Mustaqbalka ee xiriirka Aasiya iyo Afrika” ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada qaaradood, kaalinta Baarlamaannada ee horumarinta nabadda, amniga, dhaqaalaha, horumarka waara, iyo dejinta aragti wadajir ah oo hagta xiriirka Aasiya iyo Afrika mustaqbalka.
Intii uu shirku socday, wafdiga Soomaaliya ayaa madasha ka jeediyay hadal-jeedinno ay ku muujiyeen muhiimadda wadashaqeynta Baarlamaannada, is-dhaafsiga khibradaha sharci-dejinta iyo kor u qaadista iskaashiga dalalka Aasiya iyo Afrika, si looga jawaabo caqabadaha wadajirka ah ee horyaalla labada qaaradood.
Xubnihii ka socday Soomaaliya ayaa soo bandhigay talooyin muhiim ah oo dib u xaqiijinaya, sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ixtiraamka xeerarka caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhowrista madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.
Shirweynaha ayaa lagu doortay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika ee afarta sano ee soo socota, waxaana xilkaas loo doortay Aguila Saleh Issa, oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Liibiya.