Gudaha
Urur siyaasdeedka Towfiiq oo olole xooggan doorashada ku saabsan ka wada deegaannada Galmudug

Muqdisho,(SONNA):- Hoggaamiyaha Urur Siyaasaddeedka Towfiiq Dr. Sheekh Maxamed Shaakir oo safar dhulka ah uga baxay magaalada Muqdisho ayaa maanta gaaray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey.
Sheekh Shaakir ayaa safarkaan ku maray dhamaan degmooyinka Galmudug, isagoo galabta ku soo gabagabeeyey Dhuusamareeb oo doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiillada Galmudug uu ugu qeyb geli doono Urur Siyaasadeedka uu hoggaamiyo ee Towfiiq.
Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka qaranka ayaa goor sii horeysay shaaciyay goobaha codbixinta doorashada isku sidkan ee Dowlad gobolleedka Galmudug.


















La wadaag



