Gudaha
Wasiirka Gaashaandhigga oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Maalinta Calanka

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 12-ka Oktoobar, oo ku beegan Maalinta Calanka Soomaaliyeed, isaga oo xusay qiimaha taariikheed ee calanka iyo halgankii loo soo maray sidii uu uga baban lahaa guud ahaan dalka iyo fagaarayaasha caalamka.
Wasiirka ayaa tilmaamay in maanta ay ka soo wareegtay 72 sano markii la sameeyay calanka Soomaaliyeed, kaas oo astaan u ah qaranimada, midnimada iyo himilada shacabka Soomaaliyeed ee ku dhisan xorriyadda iyo wadajirka qaranka.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in calanka Soomaaliyeed uu yahay astaan mideysa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu xambaarsan yahay taariikhda halgankii dheeraa ee loo soo maray xornimada iyo dhismaha dowladnimada dalka.
Waxa uu sidoo kale xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay maanta u dagaallamayaan difaaca calanka Soomaaliyeed, midnimada dalka iyo ilaalinta madax-bannaanida qaranka, iyaga oo gudanaya waajibaadkooda qaran ee ku aaddan sugidda amniga iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo isku duubnida qaranka, isla markaana ay garab istaagaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku hawlan difaaca dalka iyo la dagaallanka argagixisada.



