calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Taliyaha ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Taliyaha ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Dhuusamareeb
Taliyaha ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Dhuusamareeb — SONNA

Dhuusamareeb,(SONNA):- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo Taliyaha Taliska Tababarka iyo Doctrine-ka XDS, Sareeye Guuto Axmed Ciise, oo ay weheliyaan wafdi ay hoggaaminayaan, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug.

Safarka wafdiga ayaa la xiriira dardargelinta hawlaha shaqo ee Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo ujeeddadu tahay kor u qaadidda hufnaanta shaqada, tayeynta tababarrada iyo xoojinta diyaar-garowga ciidanka.

Taliyeyaasha ayaa kulan la qaatay saraakiisha Qaybta 21-aad, iyagoo ku bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan gudashada waajibaadka qaran iyo doorka ay ka qaadanayaan sugidda amniga dalka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey saraakiisha Qaybta 21-aad dadaalkooda joogtada ah iyo sida ay mar walba uga soo dhalaalaan waajibaadka loo igmaday, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii laba jibbaaraan howlaha ay u hayaan difaaca Qaranka.

La wadaag