Wararka
Taliska Booliska oo hambaleeyay ardayda uu maanta usoo xirmay Imtixaanka Shahaadiga

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa hambalyo u diray ardayda Soomaaliyeed ee uu maanta usoo gabagaboobay Imtixaanka Shahaadiga fasalka 12-aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026-ka.
Taliyaha ayaa sidoo kale u mahad celiyay waaliddiinta Soomaaliyeed ee kusoo tacabtay ardayda, kuwaas oo dedaalkii ay kusoo bixiyeen maanta uu u dhaboobay.
"Waxaan u maahdcelinayaa Waalidiinta Soomaaliyeed ee ardayda maanta dhameysatay imtixaanka shahaadiga dusiga sare dadaalka ugu badan kusoo bixiyay ee ka dhabeeyay maalintan weyn.
Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa isna aedayda u rajeeyay natiijo ay ku farxaan.
Taliye Macallin Mahdi ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay inaan la aqbali doonin in qof TikToker ah usoo soo duubo muuqaallo anshax darro ah oo xadgudub ku ah gabdhaheenna.



