Wararka
Tababar ku saabsan hirgelinta Sharciga Dhowrista xogta oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey
Sharciga Dhowrista Xogta Soomaaliya waxaa la ansixiyay sanadkii 2023

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, Mudane Maxamed Nuur Colow, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar muddo shan maalmood ah socday, kaas oo ku saabsanaa hirgelinta Sharciga Dhowrista Xogta Soomaaliya ee la ansixiyay sanadkii 2023.
Tababarka oo ay ka qeybgaleen shaqaale iyo daneeyayaal ka socda hay’adaha gacanta ku haya xogta shakhsiga ah, oo ay ku jiraan Hay'adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa intii uu socday diiradda lagu saaray aasaaska asturnaanta xogta, mabaadi’da dhowrista xogta, muhiimadda dhowrista xogta dadweynaha iyo waajibaadka saaran hay’adaha iyo shakhsiyaadka maamula xogta.
Maareeyaha Guud ee Hay'adda, Mudane Maxamed Nuur, ayaa ka qeybgalayaasha kula dardaarmay in aqoontii iyo xirfadihii ay ka kororsadeen tababarka ay ku dabaqaan hay’adaha ay ka socdaan, si loo xaqiijiyo hirgelinta saxda ah ee Sharciga Dhowrista Xogta Soomaaliya.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, Dr. Xasan Maxamed Sayid, Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Soomaaliyeed, Dr. Axmed Khadar Jaamac, Drs. Aamina Xasan Xuseen, Xoghaye ku xigeen Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka iyo madax kale oo ka qeybgalay munaasabadda xiritaanka ayaa bogaadiyay dadaallada Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii waddo qabashada tababarrada noocan oo kale ah, si daneeyayaasha kala duwan ugu hoggaansamaan ku dhaqanka iyo fulinta sharciga dhowrista xogta.









