Wararka
Soomaaliya oo diyaarinaysa hirgalinta Heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka Musuqa
Aqoon isweydaarsiga ayaa looga hadlay qiimeynta wareegga 2-aad ee dib-u-eegista hirgelinta Heshiiska Qaramada Midoobay ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa

Nairobi (SONNA): Dowladda Soomaaliya oo Bilowday Diyaarinta Qiimeynta Wareegga labaad ee Dib-u-eegista Hirgelinta Heshiiska Qaramada Midoobay ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa (UNCAC).
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Faysal Aadan Xasan ayaa maanta Magaalada Nairobi ee dalka kenya ka furay aqoon-is-weydaarsi lagu diyaarinayo is-qiimeynta wareegga labaad ee Dib-u-eegista Hirgelinta Heshiiska Qaramada Midoobay ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa (UNCAC).
Aqoon-is-weydaarsigan oo ay ka qaybgalayaan qaar ka mid ah hay’adaha dowladda Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaraya ka hortagga musuq-maasuqa iyo soo-celinta hantida, kuwaas oo laf-dhabar u ah xoojinta hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo sarreynta sharciga.
Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo ah barta xiriirka UNCAC ee Soomaaliya ayaa hoggaaminaysa isku-duwidda geeddi-socodkan iyadoo la kaashanaysa hay’adaha qaranka iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee la gadaallanka Daroogada iyo Dambiyada (UNODC)
Xogahayaha Joogtada ayaa iftiimiyay in Is-qiimeyntu tahay fursad lagu xoojinayo dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, kor u qaadidda hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo dadaallada qaranka ee la-dagaallanka musuq-maasuqa.





