Wararka
Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay
Shirkani uu shir Gudoominayay Ku xigaha Duqa Magaalada ee Maamulka iyo Maaliyada ahna Gudoomiye Ku xigeenka 1-aad EE Maamulka Gobolka Gobolka Benaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure islamarkaana Ay Ka qeyb galeen Mas'uuliyiin Ka socotay Warshadaha Biyaha sifeeya ee ka Howlgala Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, iyadoo good Joog ay Ahaayeen mas'uuliyiinta iyo Qubarada Sheybaarka Gobolka Banaadir.

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay qorshaha ay Ku Doonayaan Hubinta iyo Tayada biyaha iyo muhiimada ay leedahay in la Iska kaashado in Dadka Ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay helaan Biya Nadiif Waxaana ay amaaneen doorka Shirkadaha Ama Warshada soo saaray Biyaha Saxansaxada ah, iyagoo muujiyay muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Sheybaarka Gobolka Banaadir iyo Warshadahani.
Mas'uuliyiinta Warshadaha Soo saara Biyaha Sifeysan ayaa amaanay Dadaalka Sheybaarka Maamulka Gobolka Banaadir Soo kordhay Waxaana aan ka hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Wada shaqeynta Sheybaarka iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyagoo soo bandhigay Caqabada Ka heysta Wadooyinka Magaalada Muqdisho qaar, iyadoo Guddoomiye Ciise uu balanqaaday in cabashadooda uu wax Ka qabanayo.
Ugu dambeyntii Ku xigaha Duqa Magaalada ee Maamulka iyo Maaliyada ahna Gudoomiye Ku xigeenka 1-aad EE Maamulka Gobolka Gobolka Benaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa amaanay Qubarada iyo howlwadeenada Sheybaarka Gobolka Benaadir Dadaalka ay ugu jiraan in Dadka Reer Muqdisho ay helaan Biyo Nadiif, Waxaana sidoo kale uu amaanay Warshadaha Soo saara Biyaha Sifeysan iyo daruufaha Adag ay Ku soo shaqeeyeen, isagoo Dul istaagay Muhiimada ay leedahay Wada shaqeynta Shirkadaha Biyaha ka shaqeeya Biyaha iyo Sheybaarka Gobolka Banaadir.



