Gudaha
Safiirka Soomaaliya ee Wadanka Masar oo Xarunta Safaarada Soomaaliya ee Magaalada Qaahira ku soo dhaweeyay Dr:Xabeeb
Amb. Awaare ayaa ku amaanay Dr Xabeeb doorkiisa Samafalka ee howlaha Caafimaad ee uu uqabto Bulshada Soomaaliyeed.

Safiirka Soomaaliya ee Wadanka Masar Amb Cali Cabdi Awaare ayaa xarunta Safaarada Soomaaliya ee Magaalada Qaahira ku soo dhaweeyay Dr Cabdiraxman Cali Cawaale Xabeeb.
Amb Awaare ayaa ku amaanay Dr Xabeeb doorkiisa Samafalka ee howlaha Caafimaad ee uu u qabto Bulshada Soomaaliyeed.
Dr Cabdiraxman Cali Cawaale oo loo garan ig yahay Dr: Xabeeb ayaa sanooyin badan ka shaqeynayay Daweynta iyo daryeelka Dadka qaba Xanuunada dhimirka.


