calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo gebogabeeyay safar shaqo oo uu ku tagay Galmudug

Ra'iisal wasaare Xamse intii uu joogay Galmudug, waxa uu kulamo muhiim ah kula yeeshay madaxda Dowlad-goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo gebogabeeyay safar shaqo oo uu ku tagay Galmudug
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo gebogabeeyay safar shaqo oo uu ku tagay Galmudug — SONNA

Dhuusamareeb (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta soo gebogabeeyay safar shaqo oo laba maalmood qaatay oo uu ku joogay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas oo uu kulamo muhiim ah kula yeeshay madaxda Dowlad-goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa si guul leh u soo gabagabeeyay wada-hadalladii uu la yeeshay hoggaanka Galmudug, gaar ahaan Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye , kuwaas oo Xukuumadda DanQaran ay xoogga ku saartay sidii deegaannada Galmudug uga dhici lahayd doorasho nabdoon, si looga fogaado wax kasta oo dib-u-dhac ku keeni kara horumarka la gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Madaxweyne Axmed Cabdi ku bogaadiyay go’aannadii uu shaaciyay ee ku saabsanaa qabsoomidda doorashada qof iyo cod, isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay in doorashadaas uu qabto, kadibna si xilkasnimo iyo nabadgelyo leh ugu wareejiyo xilka cidda ku guuleysata.

Ka hor inta uusan ka ambabixin Dhuusamareeb, Mudane Xamsa ayaa kulan la qaatay siyaasiyiinta Galmudug ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, kuwaas oo si weyn u muujiyay sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado dowlad-dhiska Galmudug, lana xoojiyo dhaqanka wanaagsan ee isu wareejinta xukunka.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye , iyo Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Salaad.

La wadaag