Gudaha
Habeenkii Xiddigaha Soomaaliyeed ee Doonta oo Mideeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Caalamka

Miami (SONNA): In ka badan 100 marti sharaf oo ka kala timid dalal kala duwan ayaa ka qeyb galay munaasabadda "Habeenkii Xiddigaha Soomaaliyeed ee Doonta", oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Miami ee gobolka Florida.
Munaasabadda, oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Qurbajoogta Soomaaliyeed, ayaa lagu qabtay doon casri ah (yacht), waxaana kasoo qeyb galay xubno ka socday Australia, Yurub, Kanada, Afrika iyo Soomaaliya. Ujeeddadeedu waxay ahayd xoojinta isku xirnaanta, iskaashiga iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka.
Habeenka ayaa isu keenay hoggaamiyeyaal, ganacsato, xirfadlayaal iyo hal-abuurro Soomaaliyeed, kuwaas oo fursad u helay inay is dhaafsadaan fikrado, dhisaan iskaashi cusub, isla markaana u dabaaldegaan dhaqanka iyo hidaha Soomaaliyeed.
Barnaamijka waxaa qeyb ka ahaa muusig toos ah, casho sharaf iyo bandhigyo dhaqameed oo muujinayay hodantinimada dhaqanka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa la guddoonsiiyay abaalmarino shaqsiyaad lagu maamuusay kaalintooda muuqata ee horumarinta iyo u adeegidda bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha munaasabadda, Cumar Sayid, ayaa sheegay in habeenkan uu yahay dabaaldeg lagu muujinayo guulaha iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in kulanka noocan oo kale ahi uu xoojinayo aqoonsiga iyo wadajirka Soomaalida.
Dhankiisa, Isuduwaha munaasabadda, Xasan Mustaf Isak, ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in Soomaalida ka timid shan qaaradood ay hal goob ku kulmaan, isagoo tilmaamay in munaasabaddan ay noqon doonto dhaqan sannadle ah oo ay bulshada Soomaaliyeed ku kulmaan, ku wadaagaan waayo-aragnimadooda, kuna xoojiyaan iskaashiga.
Qabanqaabiyeyaasha ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay dhammaan martida, la-hawlgalayaasha iyo taageerayaasha ka qeyb qaatay hirgelinta munaasabaddii ugu horreysay ee Habeenkii Xiddigaha Soomaaliyeed ee Doonta, iyagoo muujiyay rajada ay ka qabaan in sannadaha soo socda ay noqoto munaasabad sii ballaarata oo mideysa bulshada Soomaaliyeed ee caalamka.







