Gudaha
Maxay ka wada hadleen madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA?

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), oo ay wehliyaan Xildhibaanno katirsan Golaha shacabka iyo Masuuliyiin kale.
Kulanka waxa diiradda lagu saaray dardargelinta gurmadka degdegga ah iyo isku-dubbaridka gargaarka bani’aadamnimo ee loo fidinayo shacabka ay saameeyeen dagaalladii beelaha ee ka dhacay degmada Jalalaqsi.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa adkeeyay in Hay’adda ay ka go’an tahay in si degdeg ah looga jawaabo xaaladaha bani’aadamnimo, isla markaana garab la siiyo shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen colaadaha.












