Gudaha
Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

MuMuqdho(SONNA);-Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe, ayaa xarunta ku qaabilay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga, Mudane Axmed Xasan Yuusuf.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga lagu wacyigelinayo bulshada, laguna ilaalinayo dhalinyarada fikradaha xagjirka ah. Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda wacyigelinta diinta iyo saxidda fahamka diimeed, halka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada uu tilmaamay doorka isboortiga iyo barnaamijyada dhalinyarada ee ka hortagga xagjirnimada.
Mas’uuliyiintu waxay isku raaceen in la xoojiyo wadashaqaynta ka dhaxaysa labada wasaaradood iyo Xarunta TUBSAN si loo taageero nabadda iyo horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed. Kulanka kadib, waxay booqdeen maktabadda xarunta oo ay ku kaydsan yihiin buugaag iyo cilmi-baarisyo la xiriira la-dagaallanka xagjirnimada iyo dhismaha nabadda.





