Wararka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Taliska Guutada 77-aad
Guutadan waxay si gaar ah uga shaqaysaa ilaalada Madaxtooyada Qaranka

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Taliska Guutada 77-aad MP XDS ee Ilaalada Madaxtooyada JFS, kaas oo dib u dhis iyo casriyeyn ballaaran ah lagu sameeyey.
Dhismaha cusub ayaa ka kooban xafiisyada Taliska Guutada iyo ururrada hoos yimaada, masaajid, hoyga askarta iyo saraakiisha, iyo adeegyo kale oo muhiim u ah maamulka, hoggaaminta, iyo gudashada waajibaadka qaran.
Munaasabadda xarig jarka ayaa muujinaysa dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso tayeynta kaabeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo la horumarinayo goobaha shaqada iyo adeegyada ay u baahan yihiin cutubyada ciidamada si ay si hufan ugu gutaan waajibaadkooda qaran ee ilaalinta amniga iyo difaaca dalka.














