calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Qatar iyo Soomaaliya waxa ka dhexeeya xiriirka walaaltinimo oo soo jireen ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar — SONNA

Dooxa (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa Qasriga Lusail kulan kula qaatay Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, isagoo uga tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Aabihii Amiirkii hore Marxuum Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Dowladda Qatar xilligan murugada leh, isaga oo u rajeeyay Amiirka, qoyska boqortooyada iyo shacabka reer Qatar samir iyo iimaan, isla markaana Alle uga baryay marxuumka inuu ku waraabiyo janatul Firdowsa.

Dhankiisa, Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tacsida iyo garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.

La wadaag