Wararka
Madaxweynaha JFS oo magaalada Narok kula kulmay dhiggiisa Kenya

Narok,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku gaaray dalka Kenya ayaa magaalada Narok kulan muhiim ah kula qaatay dhiggiisa dalkaasi, Mudane William Ruto.
Labada Madaxwayne ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga iyo wadashaqaynta Soomaaliya iyo Kenya ee ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka.


