Gudaha
Maareeyaha Hay’adda NIRA oo furay Aqoon-isweydaarsiga Guddiga Isku Xirka Aqoonsiga Qaranka

Muqdisho(SONNA)-: Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa maanta si rasmi ah u furay Aqoon-isweydaarsiga Guddiga Isku Xirka Aqoonsiga Qaranka iyo Adeegyada Dadweynaha, oo ay ka qeyb galeen hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka ah ee bixiya adeegyada dadweynaha.
Maareeyaha Guud ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda isku xirka Aqoonsiga Qaranka iyo adeeg-bixinta dowladda, isaga oo xusay in hirgelinta nidaam aqoonsi oo mideysan ay sare u qaadeyso hufnaanta, isla xisaabtanka iyo tayada adeegyada la siiyo bulshada.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in iskaashiga NIRA, hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay abuurayso hirgelinta nidaam Aqoonsi Qaran oo mideysan, ammaan ah, la isku halayn karo, isla markaana u adeegaya dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.






