Wararka
Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo ka qaybgalay Madasha Maalgashiga Dekedaha oo Tanzania lagu qabtay
Madasha ayaa diiradda lagu saaray fursadaha maalgashi, horumarinta kaabayaasha dekedaha iyo xoojinta doorka Soomaaliya ee ganacsiga gobolka.

Dar es Salaam (SONNA): Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Madasha Maalgashiga Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee PMAESA 2026, oo ka dhacday magaalada Dar es Salaam, ee dalka Tanzania.
Madasha ayaa diiradda lagu saaray fursadaha maalgashi, horumarinta kaabayaasha dekedaha iyo xoojinta doorka Soomaaliya ee ganacsiga gobolka.








