Gudaha
Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho oo booqasho shaqo ku tegay Dekadda Seattle

Seattle,(SONNA):- Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Maxamed Cali Nuur, ayaa booqasho ku tagay dekedda weyn ee magaalada Seattle ee dalka Mareykanka, kadib casuumaad uu ka helay Guddiga Dekedda Seattle, waxaana halkas ku soo dhaweeyay Marwo Hamdi Maxamed oo kamid ah Guddiga Dekedda Seattle, iyo mudane Sam Cho.
Kulanka intii uu socday, Maareyaha Guud ayaa Guddiga uga warbixiyey horumarka iyo isbeddellada ka hirgalay Dekedda Muqdisho, adeegyada ay bixiso, iyo qorshayaasha horumarineed ee maamulka. Dhankooda, Guddiga Dekedda Seattle waxay soo bandhigeen dulmar ku saabsan maamulka, howlaha, iyo adeegyada heer caalami ee Dekedda Seattle.
Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah iyadoo la dhisayo Iskaashi Dekedo Walaalo ah, kaas oo loogu talagalay dhiirrigelinta isdhaafsiga khibradaha, tababarka xirfadeed, iskaashiga farsamo, iyo barnaamijyada kor-u-qaadista awoodda shaqaalaha Dekedda Muqdisho.










