calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay Wakiilka Shirkadda Favori LLC

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay Wakiilka Shirkadda Favori LLC
Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay Wakiilka Shirkadda Favori LLC — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, oo ay wehliyaan Saraakiil iyo La-taliyeyaal ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud, ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Soomaaliya ee Shirkadda Favori LLC, Mustafa Durgut, kaas oo lagu gorferyey sidii ay Shirkadda Favori u fulin lahayd talooyinka hantidhowrka ee la xiriiray natiijadii ka soo baxday baaristii horay loogu sameeyey shirkadda, gaar ahaan maamulkeeda dakhliga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Dhammaan doodihii lagu soo bandhigay kulanka waxa ay xoojinayeen isla-xisaabtanka, waxa ayna hagaajinayaan warbixinnada maaliyadeed ee shirkadda, isla-markaana waxa ay adkeeynayaan in waqtiga loogu talagalay lagu fuliyo talooyinka hantidhowrka ee ku jiray baarisyadii lagu sameeyey Shirkadda Favori.

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah loo dul-istaagay muhiimadda ay leedahay in Shirkadda Favori LLC si dhammeystiran u fuliso Heshiiska Dheef-wadaagga ah ee ay kula jirto dowladda Soomaaliya, gaar ahaana in ay xaqiijiso in Hantidhowrayaal madaxbannaan ay baaris sanadle ah ku sameeyaan Warbixinnada Maaliyadeed ee Shirkadda Favori LLC.

Mustafa Durgut ayaa sheegay in ay adkeynayaan sii wadista wada-shaqaynta Xafiiska Hantidhowrka Guud, si ay ugu dambeyn u hirgalaan talooyinka baarista, loona ayido in warbixinta maaliyadeed ee Favori ay noqoto mid daahfuran.

La wadaag