Wararka
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo booqasho ugu tagay Duqa magaalada Atlanta,Georgia
Cali-shiino ayaa qayb ka ahaa wafdi ka socda FIFA oo halkaasi socdaal ku tagay

Atlanta (SONNA): Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA mudane Cali Cabdi Maxamed, oo qayb ka ahaa wafdi sare oo ay hoggaaminayeen Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA, ayaa booqasho rasmi ah ugu tegay Duqa Magaalada Atlanta ee gobolka Georgia ee dalka Mareykanka, Andre Dickens.
Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Gelson Fernandes, Agaasimaha Gobolka Afrika ee FIFA iyo Ku-xigeenka Madaxa Xiriirrada Xubnaha ee FIFA (Deputy Chief Member Associations). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka magaalada Atlanta ee martigelinta ciyaaraha Koobka Adduunka ee FIFA 2026, iyadoo la isla soo qaaday diyaar-garowga magaalada, horumarinta kaabeyaasha ciyaaraha, iyo sidii loo xaqiijin lahaa martigelin heer caalami ah.
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa booqashadan kaga faa’iideystay is-weydaarsiga khibradaha la xiriira maamulka kubadda cagta, horumarinta garoomada casriga ah, iyo xoojinta xiriirka wada-shaqeyneed ee u dhexeeya FIFA, magaalooyinka martigelinaya Koobka Adduunka, iyo xiriirrada kubadda cagta ee dalalka xubnaha ka ah.
Ka qaybgalka Guddoomiye Cali Shiine ee kulankan heerka sare ah wuxuu muujinayaa doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee fagaarayaasha kubadda cagta caalamiga ah, iyo sida Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka ay la leeyihiin FIFA iyo hay’adaha kale ee kubadda cagta adduunka.









