Wararka
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqasho ku tagay degmada Buur-hakaba
Booqashadan waxa ay la xiriirtaa u kuurgalidda Arrimaha bini’aadannimo

Baydhabo (SONNA): Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho shaqo ku gaaray magaalada Buur Hakaba ee Gobolka Baay, si ay u qiimeeyaan xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta degmada iyo baahiyaha mudnaanta leh ee bulshada.
Wafdiga Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo masuuliyiin ka socday Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, George Conway.
Booqashadan ayaa ahayd tii 2-aad ee uu Guddoomiyahu ku tago degmada Buur Hakaba, taas oo ka tarjumaysa dadaalka joogtada ah ee Hay’addu ugu jirto la socodka xaaladaha bani’aadannimo iyo dardargelinta gurmadka loo fidinayo bulshada ay saameeyeen abaaraha iyo duruufaha kale ee bani’aadannimo.
Intii ay booqashadu socotay, wafdigu waxa uu la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka kala yimid 373 tuulo oo hoos yimaada Degmada Buur Hakaba, isagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan baahiyaha deegaanka iyo xaaladda bani’aadannimo, sidoo kale waxay kormeereen biyo-xireenka ugu weyn degmada oo u baahan dayactir degdeg ah si loo xoojiyo helitaanka biyaha loona yareeyo saameynta abaarta.









