Wararka
Guddiga Qaran ee Xuska Maalmaha Xorriyadda oo diyaar garow ku jira
Suugaantu waxay ka mid tahay aaladaha muhiim ka ah ee loo adeegsanayo xuska Maalmaha Xorriyadda

Muqdisho (SONNA): Guddiga Qaran ee 66-guurada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ee 26-ka June iyo 1-da July ayaa ka qeyb galay tartanka kooxaha fanka ee Qaran sida; kooxaha kala ah Hiddo, Danan , iyo Gobolka Banaadir.
Munaasabadda tartan faneedka ah waxaa goobjoog ka ahaa dhammaan xubnaha Guddiga Qaban-qaabada.
Waxaa socda diyaar-garowgii ugu dambeeyey ee munaasabadda maalmaha xorriyadda iyo midnimada labada gobol ee Koofur iyo Waqooyi oo si weyn looga xusi doono guud ahaan dalka.









