Wararka
Dowladda Soomaaliya oo saxiixday qandaraaska sahanka dhismaha wadada Gaalkacyo - Ceelguula
Dhismaha wadadan wuxuu muhiim u yahay in la gaaro Dekadda Hobyo

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta martigelisay munaasabad lagu saxiixayay qandaraaska adeegyada daraasadaynta, naqshadaynta, qiimeynta saameynta deegaanka iyo bulshada, iyo diyaarinta dukumentiyada qandaraas-bixinta ee Waddada Gaalkayo–Hobyo, gaar ahaan qaybta Gaalkayo iyo Ceelguula oo dhererkeedu yahay 100 kiiloomitir.
Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Wasaaradda ayaa waxaa Guddoominayay Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf. Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Hawlaha Guud ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Dhiblaawe Casir, Agaasimaha Guud ee IBS Bank, Mudane Cabdirisaaq Cali Warsame, wakiillo ka socday GOB Community Organisation, iyo masuuliyiinta shirkadda KKATT Consult Limited oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee shirkadda, Inj. Kato Kagga.
Waddada Gaalkayo–Hobyo ayaa muddo dheer loo aqoonsanaa mid ka mid ah kaabeyaasha ugu muhiimsan uguna istiraatiijisan ee bartamaha Soomaaliya, maadaama ay isku xirto deegaannada gudaha dalka iyo dekedaha xeebaha Badweynta Hindiya. Muddo sanado ah, bulshada deegaanka, ganacsatada, qurbo-joogta iyo maamullada kala duwan ayaa dadaal joogto ah ku bixiyay hirgelinta mashruucan, iyagoo u arkayay mid muhiim u ah kobcinta ganacsiga, fududeynta isu-socodka, xoojinta amniga iyo kor u qaadista isdhexgalka dhaqaalaha dalka.
Bilowga daraasadaynta iyo naqshadaynta qaybta 100-ka kiiloomitir ee Gaalkayo–Ceelguula ayaa ah tallaabo muhiim ah oo saldhig u noqon doonta hirgelinta iyo dhismaha guud ahaan Waddada Galkayo–Hobyo oo dhererkeedu dhan yahay 260 kiiloomitir.
Wasiir Ayuub Ismaacil Yuusuf ayaa munaasabadda ka sheegay in mashruucani yahay mid muhiimad gaar ah u leh horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, isagoo ammaanay dadaalka iyo go’aanka adag ee ay muujiyeen GOB Community Organisation iyo dhammaan bahda ka shaqeysay hirgelinta mashruucan. Wasiirku wuxuu xusay kaalinta muuqata ee bulshada iyo daneeyayaasha kala duwan ay ka qaateen abaabulka taageerada mashruuca, wuxuuna adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso Dowladda Galmudug, bah-wadaagta horumarinta, ganacsatada gaarka loo leeyahay iyo bulshada deegaanka si loo dardargeliyo maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa bogaadiyay dadaalka Wasaaradda Hawlaha Guud ee ku aaddan hirgelinta mashruucan muhiimka ah. Waxa uu si gaar ah u xusay doorka hoggaamineed ee Wasiir Ayub Ismail Yusuf ee dardargelinta geeddi-socodka mashruuca iyo gaarsiintiisa heerka saxiixa qandaraaska.
Qandaraaska maanta la saxiixay ayaa shirkadda KKATT Consult Limited u xilsaaraya fulinta daraasaadka farsamo, naqshadaynta hordhaca ah iyo tan faahfaahsan, qiimeynta saameynta deegaanka iyo bulshada, iyo diyaarinta dukumentiyada qandaraas-bixinta ee qaybta Galkayo–Elgula (100KM).
Mashruucan ayaa qayb ka ah Barnaamijka Horumarinta Kaabeyaasha Waddooyinka Soomaaliya (RIPSOM), kaas oo ay maalgelinayaan Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) iyo Midowga Yurub (EU), iyadoo ay fulinayso Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay u mahadcelinaysaa Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Midowga Yurub (EU), Dowladda Galmudug, hoggaanka bulshada iyo dhammaan daneeyayaasha kale ee taageeradooda joogtada ahi gacan ka geysanayso horumarinta kaabeyaasha waddooyinka Soomaaliya, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo xoojinta isku xirnaanta gobollada.















