Wararka
Danjire Salaad Cali Ibraahim oo xilka ku wareejiyay Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Rabat

SONNA-Muqdisho- Maanta waxaa Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Rabat ka qabsoontay munaasabad xilwareejin ah, taas oo Danjirihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiyay Boqortooyada Morocco, Danjire Salaad Cali Ibraahim (Catoosh), uu si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Siihayaha Safaaradda ahna Lataliyaha Koowaad, Mudane Cabdifataax Siciid Caynab.
Intii ay munaasabaddu socotay, Danjire Salaad ayaa uga mahadceliyay dhammaan diblomaasiyiinta iyo guud ahaan hawlwadeennada Safaaradda wada-shaqayntii wanaagsanayd ee ay yeesheen muddadii uu xilka hayay. Waxa uu Siihayaha cusub iyo guud ahaan bahda Safaaradda u rajeeyay guul iyo in ay sii laba jibbaaraan gudashada shaqada iyo waajibaadka qaran.
Dhanka kale, Siihayaha Safaaradda ayaa uga mahadceliyay Danjirihii hore dadaalkii iyo waxqabadkii uu muujiyay muddadii uu xilka hayay, isaga oo Danjiraha u rajeeyay guul iyo horumar. Sidoo kale, waxa uu intaa ku daray in uu dadaalka halkaas ka sii wadi doono isaga oo kaashanaya diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada Safaaradda.



