Gudaha
Ciidamada Hay'adda NISA oo fuliyay howlgal guuleystay oo lagu beegsaday labo dhagarqabe

Muqdisho,(SONNA):- Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa caawa xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley ka fuliyey howlgal guuleystay oo lagu beegsaday labo dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta.
Ciidamada ayaa ku guuleystay inay dilaan hal dhagarqabe, iyagoo dhaawacay dhagarqabihii kale, wuxuuna howlgalkaasi u dhacay sidii loo qorsheeyey, sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha ciidamadii fuliyey howlgalka.
Ciidamada amniga oo ka feejigan dhagarta iyo shirqoolada Khawaarijta ayaa sidan oo kale, caawa ka hortegay fal argagixiso oo labo dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta ay qorsheynayeen in ay ka geystaan Xaafadda Xaawo-Taako ee magaalada Baladweyne, ciidamada amniga ayaa toogtay hal dhagarqabe, iyagoo nolosha ku qabtay dhaqarqabihii kale.



