Gudaha
Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya oo Ka Qaybgalay Shir Muhiim ah

Muqdisho,(SONNA):- Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya (NCF), Mudane Liibaan Cabsiiye, ayaa maanta ka qaybgalay kulanka taxanaha doodaha Isbeddelka Cimilada, Maaliyadda, Nabadda iyo Amniga, kaas oo lagu qabtay habka muuqaalka fogaan araga (Zoom).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii maalgelinta isbeddelka cimilada (Climate Finance) loo abaabuli lahaa, loo heli lahaa, loona adeegsan lahaa si hufan, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta adkeysiga bulshada ee saameynta isbeddelka cimilada, yaraynta khataraha ka dhasha, iyo taageeridda dadaallada horumarineed ee dalka.
Doodaha ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay doorka maaliyadda cimiladu ku leedahay xoojinta nabad-dhisidda, kobcinta iskaashiga, iyo dardargelinta horumar waara ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Khudbad uu ka jeediyay kulanka, Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Mudane Liibaan Cabsiiye, ayaa adkeeyay muhiimadda ay maaliyadda cimiladu u leedahay Soomaaliya, gaar ahaan xoojinta adkeysiga bulshada iyo taageeridda dadaallada lagu wajahayo saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada.
Mudane Liibaan ayaa sidoo kale xusay in maaliyadda cimiladu aysan ahayn arrin ku kooban mashruuc ama hay'ad gaar ah, balse ay tahay ajande qaran oo Dowladda Federaalka Soomaaliya hormuud ka tahay, una baahan iskaashi dhow oo dhex mara hay'adaha dowladda, saaxiibbada horumarinta, iyo dhammaan daneeyayaasha si loo xaqiijiyo himilooyinka qaran ee la xiriira la qabsiga isbeddelka cimilada iyo horumar waara.
Shirkan waxaa sidoo kale ka qaybgalay wakiillo ka socday hay'adaha maaliyadda caalamiga ah, hay'adaha ka shaqeeya maalgelinta cimilada cagaaran (Green Climate Finance), saaxiibbada horumarinta ee taageera Soomaaliya, iyo mas'uuliyiin ka socday hay'adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ka qaybgalayaashu waxay is dhaafsadeen aragtiyo iyo waayo-aragnimo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo maalgelinta wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada, wadashaqeynta iyo horumar waara.



