Gudaha
๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐๐ซ๐ข๐ ๐ ๐ ๐ค๐ ๐ฃ๐๐ซ๐๐ฒ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐๐ก๐ข๐ฒa๐ฒ ๐๐ฌ๐๐ข๐ญ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐ญ๐ข๐ข๐ง๐ข

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa xarigga ka jaray qeybo si heersare ah loo qalabeeyey oo mid ah Isbitaalka De Martino, taas oo qeyb ka ah hiigsiga Caafimaadka tayeysan ee ay gardaadineyso Wasaaradda Caafimaadka.
Munaasabaddan ayaa lagu daahfuray adeegyo muhiim ah oo ay bulshada baahi weyn u qabeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin CT Scan casri ah oo lagu sameynayo baaritaanno sax ah, Blood Bank la casriyeeyay oo ka qeyb qaadanaya badbaadinta nolosha bukaannada, iyo sidoo kale dib-u-habeyn iyo tayeyn lagu sameeyay qeybta sheybaarka si loo hubiyo adeegyo baaritaan oo degdeg ah oo la isku halayn karo.
Wasiirka Caafimaadka ayaa tibaaxey in casriyeynta lagu sameeyay qeybaha CT Scan, Blood Bank iyo sheybaarka ay sare u qaadi doonto kalsoonida bulshada iyo tayada adeegyada caafimaad ee la siiyo bukaannada, isla markaana yareyn doonto baahida loo qabo in bukaannadu meela kale u aadaan adeeggan.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go'an horumarinta iyo ballaarinta Caafimaadka dalka si bulsho waynta Soomaaliyeed u helaan adeeg Caafimaad oo hufan lana isku haleyn karo taas qeyb ka ah hirgalinta Qorshaha Caafimaadka Qaranka.
La wadaag



