Local News
The Prime Minister visits Erdogan Hospital to meet victims of the terrorist attack

Loading SONNA…
Local News

Ottawa-(SONNA)-Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Maraykanka, isla markaana ah Safiirka aan joogtada ahayn ee Soomaaliya u qaabilsan wadanka Canada , Mudane Daahir Xasan Cabdi, ayaa si rasmi ah u gudbiyay warqadaha aqoonsiga safiirnimo kadib munaasabad ka dhacday Rideau Hall ee magaalada Ottawa. Danjiraha waxaa Warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Guddoomiyaha Guud ee Dowladda Canada (Governor General of Canada), Mss Louise Arbour, oo ah wakiilka rasmiga ah ee Boqorka Kanada, Boqor Charles III, isla markaana ah madaxa qaranka ee dalka Canada. Gudbinta iyo guddoomista warqadaha aqoonsiga safiirnimo ayaa astaan u ah in Danjiruhu si rasmi ah u billaabay gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed ee dalka Canada, taas oo si weyn u xoojinaysa xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Canada.

