Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka
    May 6, 2026
    Guddoomiye Maryan Qaasim oo kulan la yeelatay safiirka Qatar ee Soomaaliya
    May 6, 2026
    Mudug: 13 maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal militari
    May 6, 2026
    Ra’iisal Wasaare Xamsa oo magaacabay wasiirka cusub ee Warfaafinta
    May 6, 2026
    Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo kulan la yeeshay dhiggiisa Sri Lanka ee New Delhi
    May 6, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Natiijada Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Natiijada Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka.
Gudaha

Natiijada Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka.

By Kulane
Last updated: April 7, 2021
5 Min Read
Share

Sida aad lawada socotaan bishii 7-aad ee Sannadkii hore ee 2020-kii waxa soo bilaabmay doodda ku saabsan Nooca Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-ka. Dowladda Federalka Soomaaliya oo rabtay in ay dalka u hoggaamiso barnaamijka xisbiyada badan ayaa waxa qaar ka mid ah Maamul Goboleedyadu ku dhageen in ay joojiso hannaankii metelaadda shacabka ee hal qof iyo hal cod, iyo curashadii koowaad ee hannaanka xisbiyada badan oo rajadiisu muuqatay. Waxaana Dowladda lagu riixay in ay ka leexato jidkii qummanaa una janjeersato hannaanka doorashada dadban iyo metelaadda kooban.

Xilligaas waxa isu diiwaan geliyey hannaanka xisbiyada badan iyo ka qayb galka doorasho dadweyne oo hal qof iyo hal cod ah illaa 100 xisbi. Guddida Doorashooyinka Madaxa Bannaan ayaa shaqada diiwaan gelinta u waday si xilkasnimo ah oo howlkarnimo ka muuqato.

Laakiin Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland waxa ay diideen hannaanka xisbiyada badan iyo qabsoomidda doorasho hal qof iyo hal cod ah. Waxaanay ku adkaysteen in lagu laabto habraacii 2016-kii iyo doorasho dadban.

Nin faras dabadiisa ka degey meel uga toosan buu waayaye, markii Dowladdu ku waafaqday Madaxda Dowlad Goboleedyada heshiiskii doorashada dadban ee ay iyagu soo qorteen ee 17-kii September si dalka doorasho wadar oggol ahi uga dhacdo waxay sidoo kale Maamul Goboleedyadaasi dedaal badan ku bixiyeen in dhinacyadii kale ee ay qusaynaysay aanay waxba ka beddelin Heshiiska, sidaasna lagu ansixiyo heshiiskii 17-kii September.

Si loo dardar geliyo fulinta Heshiiskaas waxa Xukuumadda loo soo gudbiyey Guddiyadii Doorashada ee 3 Maamul Goboleed, Gobolka Banaadir iyo Somaliland, laakiin nasiib darro mar kale Puntland iyo Jubaland waa ay diideen in ay soo magacaabaan Guddidii Doorashada.

Si loo dardar geliyo fulinta heshiiskii 17-kii September Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeeray kulamo badan oo is daba joog ah, laakiin Madaxda Jubaland iyo Puntland waa ka baaqdeen kulamadaas marka laga reebo kii Samareeb oo ay xujooyin cusub la yimaaddeen.

Ra’iisal Wasaaraha JFS wuxuu booqday inta badan Maamul Goboleedyada Dalka si doorashadu u bilaabanto. Laakiin nasiib darro Puntland iyo Jubaland way diideen in doorasho bilaabanto.

Haddaba;

Markii la sugayey labadaas Maamul Goboleed muddo 6 bilood ah oo intaas oo dhan lagu qancinayey fulinta heshiiskii ay saxeexeen ee 17-kii September

Markii la isugu tegey Garoowe, Samareeb, Baydhabo iyo Muqdisho si isfahan looga gaaro qabsoomidda doorashada

Markii ay dureen Ciidammadii Qalabka Siday si sharci darro iyo amni darro uga dhacdo Dalka

Markii Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay jid iyo jiho diid noqdeen si loo fuliyo heshiiskii ay iyagu soo qorteen dalkuna doorasho u aado

Markii Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu in kabadan 5 jeer gogol u dhigay Maamul Goboleedyada doorasho diidka ah, taas oo uu kula baxay magaca “Tanaasul Badane”

Markii wax kasta oo ay codsadeen loogu oggolaaday is-fahankii Baydhabo ee 15-16-kii Febraayo si doorasho u dhacdo, laakiin mar kale ay Puntland iyo Jubaland diideen fulinta is af-garadkii ay ku soo saxeexeen Baydhabo.

Markii ergo Madaxweynuhu u diray Madaxda Jubaland iyo Puntland kana koobnayd Madaxweyneyaasha saddexda Maamul Goboleed ee Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ay kala soo laabteen gacmo maran iyo natiijo la’aan.

Markii illaa 3-dii April la wada fadhiyey Xarunta Avizione si xal loo gaaro, mar kale Madaxda Puntland iyo Jubaland waxay keeneen shuruudo cusub oo ay kamid ahayd in Baarlamaanku shaqada joojiyo oo la naafeeyo, Madaxweynuhu awooddiisa dastuuriga ah wareejiyo, Xukuumaddu noqoto magac-u-yaal, ajanebigu door ku yeeshaan talada Dalka iyo in shaqada laga fariisiyo Taliyayaasha Ciidammada Qalabka Sida. Arrimahaas oo marka la isu wada geeyo la macno ah “Dowlad la’aan”.

Markii uu noqday hal bacaad lagu lisay dhammaan dedaalladii ay sameeyeen dhinacyadii is xilqaamay ee kala ahaa Madaxweynaha Dalka, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada horu-socodka ah, odayaal waxgarad ah, culumada Soomaaliyeed, haweenka daneeya siyaasadda iyo dhab u heshiinta, ganacsatada iyo Saaxiibbada Beesha Caalamka, si ay Madaxda Jubaland iyo Puntland ugu soo qanciyaan in ay oggolaadaan in Dalku doorasho aado.

Ugu dambayn

Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka

Muqdisho, Arbaco, 06 Maajo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi…

May 6, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Amniga Jubbaland oo kormeeray xerooyinka ciidamada xoogga ee degmada Afmadow

Kismaayo-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) oo uu weheliyo taliyaha qaybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa maanta…

GudahaWararka
February 8, 2023

Guddoomiyaha golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ugu baxay dalka Ciraaq

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi xildhibaano ah uu hogaaminayo ayaa…

GudahaWararka
February 23, 2023

Madaxweynaha JFS “Geesiyaasha CXD waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed”

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska 66-aad ee sanad-guurada aasaaska Ciidanka Xoogga…

GudahaWararka
April 12, 2026

Dowladda Imaaraadka oo deeq raashiin ah ku wareejisay hay’adda SoDMA

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa deeq raashin ah oo loogu tala-galay dadka nugul ee saboolka ah…

GudahaWararka
February 26, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023